Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa lumin doonta ciyaartoydeeda muhiimka ah marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga, haddii kalena waxay la kulmi doonaan ciqaab ganaaxyo ah oo kaga iman doonto Premier League iyo UEFA.
Chelsea ayaa shalay soo saartay warbixinteeda miisaaniyadda ee xilli-ciyaareedkii 2021/22 oo si aad ah ay uga muuqdaan khasaare weyn oo sare u dhafaya £121 milyan oo Gini.
Isku-darka khasaaraha Blues soo gaadhay labadii sannadood ee ugu dambeeyey ayaa waxa uu noqday £274 milyan oo Gini, waxaana la filayaa in xilli ciyaareedkan socdana ay sidaas oo kale dhici doonto oo khasaare badan oo boqollaal milyan ah ay diiwaangelin doonto kooxdu, maadaama ay lacag sare u dhaafaysa £600 milyan ciyaartooyo ku iibsadeen labadii suuq ee ugu dambeeyey.
Warka ayaa intaa ku daray, in Chelsea ay suuqa dhigi doonto darsin ciyaartooyo ah inta ka horreysa June 30, si ay usoo kabto lacagta khasaaraha ah ee ka muuqata xisaab-xidhka xilli ciyaareedkii tegay.
Todd Boehly ayaa la sheegay inuu suuqa dhigi doono oo uu iibin doono dersin ciyaartoyda kasoo baxday kulliyadda kooxda ah, sida Mason Mount, Trevoh Chalobah, Conor Gallagher, Ruben Loftus-Cheek iyo Callum Hudson-Odoi si uu ugu meel sameeyo lacagtaas.
Waxa kale oo la sheegay in iyagana la xaraashi doono xiddigaha ay ka mid yihiin Mateo Kovacic, Edouard Mendy, Hakim Ziyech iyo xiddiga bilaashka ku baxaya ee Christian Pulisic.