Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Difaaca madaniga ah ee Marinka Gaza ayaa ku dhawaaqay Jimcihii in ciidamada Israa’iil ay bilaabeen inay ka baxaan aagag dhowr ah oo ku yaal marinka Gaza, gaar ahaan magaalooyinka Gaza iyo Khan Yunis.
Mohammed Al-Mughair, oo ah agaasimaha waaxda taageerada bini’aadantinimada iyo iskaashiga caalamiga ah ee difaaca madaniga ah ee Gaza, ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in “ciidamada ay ka baxeen meelo badan oo ka tirsan magaalada Gaza.”
Waxa uu intaa ku daray, “Waxaa jira dib u gurasho ciidamada qabsaday Qaza oo ka yimid koonfurta iyo bartamaha Khan Yuunis oo ku wajahan bariga magaalada.”






