Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Warbixin uu baahiyay wariyaha caanka ah ee Sky Sports, Kaveh Solhekol, ayaa shaaca ka qaaday in kooxda Chelsea aysan qorsheynayn inay xoojiso booska goolhayaha ama daafaca dhexe inta lagu jiro suuqa kala iibsiga bisha Janaayo — sidoo kalena aysan qorsheyn doonin inay goolhaye cusub soo qaadato xagaaga dambe.
Chelsea ayaa haatan haysata saddex goolhaye oo heer sare ah: Robert Sánchez, Filip Jørgensen, iyo Mike Penders, kuwaas oo dhammaantood loo arko inay u qalmaan booska goolhayaha koowaad ee kooxda.
Sánchez, oo dhawaan ku guuleystay abaalmarinta Goolhayaha ugu fiican ee Club World Cup, ayaa si fiican ku bilowday xilli ciyaareedka inkastoo uu casaan qaatay kulankii Manchester United.
Dhanka kale, Jørgensen ayaa weli si weyn loo qiimeeyaa, waxaana uu bartilmaameed u ahaa kooxo waaweyn oo Ingiriis ah xagaagii hore.
Penders isna wuxuu ku wacan yahay qaab ciyaareedkiisa amaahda ah ee Strasbourg, isagoo caawiyay kooxdiisa inay gaarto kaalinta saddexaad ee Ligue 1.
Chelsea ayaa sidoo kale diiday fursad ay ku heli lahayd goolhayaha AC Milan, Mike Maignan, taas oo muujinaysa kalsoonida ay ku qabaan saddexda goolhaye ee hadda jooga kooxda.
Dhanka daafaca dhexe, kooxda ayaa rumeysan inay haysato tayo ku filan, iyadoo ay diyaar yihiin Trevoh Chalobah, Tosin Adarabioyo, Wesley Fofana, Benoît Badiashile, iyo Josh Acheampong.
Levi Colwill ayaa isna la filayaa inuu kasoo kabsado dhaawaca, halka Reece James iyo Jorrel Hato ay sidoo kale buuxin karaan booskaas marka loo baahdo.
Waxaa intaas dheer, laba daafac dhexe oo amaah ku maqan — Mamadou Sarr iyo Aaron Anselmino — ayaa lagu wadaa inay kusoo laabtaan Stamford Bridge xagaaga dambe.
Chelsea ayaa xagaagii hore sahamisay suurtogalnimada daafac dhexe cusub, balse Dean Huijsen — oo ahaa bartilmaameedkooda ugu weyn — wuxuu ugu dambeyn ku biiray Real Madrid kadib markii uu kasoo tegay Bournemouth.
Kooxda ayaa hadda diiradda saareysa in ay xoojiso caafimaadka iyo joogteynta ciyaartoyda daafaca halkii ay ka samayn lahayd saxiixyo cusub.






