Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Chelsea.
Daqiiqadii 9-aad kooxda Sheffield United ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay David McGoldrick, iyadoo uu goolkan caawiyay Sander Berge.
23 daqiiqo marka ay ciyaarta aheyd Chelsea ayaa dhalisay goolka barbardhaca, waxaana dheesha ka dhigay 1-1 Tammy Abraham, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Mateo Kovacic.
Daqiiqadii 34-aad kooxda Chelsea ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii 2-1 ka dhigay Ben Chilwell, waxaana caawinta goolkan loo diiwaan galiyay Hakim Ziyech.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
Daqiiqadii 77-aad Thiago Silva ayaa ciyaarta ka dhigay 3-1 ay ku hoggaamineysay kooxda Chelsea, kaddib markii uu caawinta goolkan ka helay Hakim Ziyech.
80 daqiiqo marka ay ciyaarta aheyd Chelsea ayaa sii dheereysatay hoggaaminta ciyaarta, kaddib markii uu 4-1 ka dhigay dheesha xiddiga reer Germany ee Timo Werner xilli uu caawinta goolkan lahaa N’Golo Kante.
Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 4-1 ay kaga adkaatay Chelsea kooxda Sheffield United oo marti ugu aheyd garoonka Stamford Bridge.
SAWIRRO: