CHAMPIONS!!! Sevilla Oo Rikoodheyaal Ku Garaacday Kooxdii Mourinho Ee Sevilla Kuna Guuleysatay Europa League

0
116

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Sevilla ayaa markii toddobaad ku guuleysatay tartanka Europa League, waxaanay rikoodheyaal 4-1 ah ku garaaceen Roma oo ay iskugu soo baxeen finalka, iyadoo ciyaar socotay 120 daqiiqadood ay ku dhamaysteen 1-1.

Goolhayaha xulka qaranka Morocco ee Bono ayaa mar kale noqday halyeyga rikoodheyaasha, waxaana uu sabab u noqday in kooxdiisu ay 4-1 rikoodheyaal ah ku adkaato, isaga oo badbaadiyey laba rikoodhe oo mid uu birta ku dhacay.

Sevilla 1

Sevilla oo ku horraysay laadista rikoodheyaasha ayaa waxa si xarrago leh ugu dhaliyey Lucas Ocompos oo dhinaca qaldan u diray goolhaye Rui Patricio, hase yeeshee waxa u jawaabay Cristante oo noqday ciyaartoyga kaliya ee Roma u dhaliyey rikoodheyaasha, waxaana uu dirqi kubadda kaga hoos bixiyey Bono oo ka raacay.

Waxa ku xigay oo saddexda rikoodhe ee kale u dhacay Sevilla saddexda ciyaartoy ee Eric Lamela, Ivan Rakitic iyo Montiel, halka Roma ay laba rikoodhe ka khasaariyeen Manicini oo ay nasiib-darro ku dhacday oo horena u ahaa ciyaartoyga iska dhaliyey goolkii ay Sevilla ciyaarta ku barbarraysay iyo Ibarez.

Roma ayaa qaybtii hore ee ciyaarta uu gool qurux badan u dhaliyey Paulo Dybala, hase yeeshee markii ay qaybta labaad toban daqiiqadood socotay ayaa uu Mancini isku qabtay kubbad uu isku dayay inuu difaaco oo sidaas uu ciyaarta kaga dhigay 1-1.

Soddon daqiiqadood oo dheeraad ahaa oo lagu daray ciyaarta ayaa daqiiqaddii ugu dambaysay uu Chris Smalling birta ka jaray kubbad uu madax ku qabtay oo uu goolhayaha dhaafiyey, hase yeeshee Rakitic ayaa isagana ay sidaas oo kale ku dhacday.

Sevilla ayaa ay u tahay markii toddobaad ee ay ku guuleystaan tartanka Europa League ee horena loo odhan jiray UEFA, waxaanay sidaas kaga soo qayb-geli doonaan tartanka Champions League ee xilli ciyaareedka dambe, iyaga oo ka maqnaan lahaa haddii aanay koobkan qaadi lahayn, maadaama ay kaalinta 11aad kaga jiraan horyaalka LaLiga.