Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Dabka ayaa waxaa uu ka kacay Guri Jiingad ah oo kuyaalla Xaafada Sheekh Cismaan ee Galbeedka Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolla Awdal ee degaannada Somaliland.
Inta la xaqiijiyay waxaa dabkaasi ku geeriyooday Saddex Caruur Walaalo ah oo lagu kala Magacaabi jiray Deeqsan Sheekh Muuse Maxamed oo Saddex Sano jir ah, Aragsan Sheekh Muuse Maxamed oo 9 Bilood jira ah & Muxumed Sheekh Muuse halka uu dhaawac culus gaaray Khaalid Sheekh Muuse.
Dadka deriska la ah Carruurta geeriyootay ayaa sheegay in aysan helin gurmadkii loo baahnaa taasi oo keentay in Carruurta ay Guriga ku gubtaan.
Ciidamada dam demiska Somaliland ayaa markii dambe tegay Guriga uu dabka ka kacay, iyaga oo ku guuleystay inay demiyaan, waxaana sidoo kale ku burburay qaar kamid ah Agabkii yaallay Guriga.