Carruur Soomaali ah oo lagu la’ yahay magaalada Qaahira

0
344

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Waxaa wali la baadigoobayaa laba wiil oo ka mid ah saddex carruur Soomaali ah oo lagu waayay Magaalada Qaahira ee dalka Masar, waxaana carruurtan ay da’doodu tahay 12 jir iyo 14 jir, iyadoo ay ugu war dambeysay markii ay iskuulka aadeen.

Mid ka mid ah saddexda carrurta ah oo ahayd gabar ayaa la helay habeenkii xalay iyadoo bedqabta kadib baadi goob ay u galeen laamaha Amniga Magaalada Qaahira iyo Qoyskeeda.

Laamaha amniga ee magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa wali ku jira baadigoobka labada wiil ee wali maqan, kuwaas oo la la’yahay halka ay jaan iyo cirib dhigeen.

Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar Ismaaciil Cabdi ayaa sheegay in maqnaanshaha Carruurta loogu sheegay in la afduubtay balse markii dambe la ogaaday inay kala lumeen xilli ay u dhawaayeen Iskuulka.

WAxaa uu hadalkiisa kudaray in , iyaga oo kaashanaya Ciidamada Booliska ay haatan baadi goob ku hayaan labada Carruurta ah ee maqan si loo ogaado xaaladooda, isla markaana ay rajo ka qabana in la helo.

Magaalada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar ayaa waxaa degan Soomaali farabadan, kuwaas oo badankood halkaasi u tegay inay waxka bartaan iyo kuwo ka qabta Shaqooyin gooni ah.