Carruur hor leh oo gaajo ugu geeriyootay Marinka Gaza.

0
55

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Carruur kale oo Falastiiniyiin ah ayaa gaajo ugu geeriyooday Marinka Gaza, iyadoo Israel ay sii waddo is hortaagga ay ku hayso gargaarka bani’aadantinimo ee Gaza.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in laba carruur ah ay noqdeen, kuwii ugu dambeeyay ee nafaqo darro iyo gaajo ugu geeriyooda Marinka Gaza.

Wasaaradda ayaa Sabtidan sheegtay in tani ay ka dhigeyso tirada dadka xaaladahan ugu geeriyooday Gaza 120 qof, oo ay ku jiraan in ka badan 80 carruur ah.

Wasaaradda ayaa tiradan ku sheegtay inta qof ee la ogyahay ee illaa iyo hadda ee gaajada ugu dhintay gudaha Gaza, iyadoona ka digtay in saacadaha soo socda ay tirada intaasi ka badato, laga yaabo in la helo kiisas aan la diiwaangelin oo dhimasho ah amaba in dad hor leh ay gaajo ugu dhiman karaan Marinka Gaza, maadaama ay dadku yihiin kuwo wajahaya macluusha ka dhalatay go’doominka daran ee ay Israel ku hayso dhulka Falastiiniyiinta ee ay colaaddu halakeysay iyo diidmadeeda ku aaddan in Hay’adaha Qaramada Midoobey iyo kuwa kale ee bani’aadantinimada ka shaqeeya ay kaalmada bani’aadantinimo keenaan Gaza.

Ka dib warka ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka Gaza, Maamulka Isbitaalka Al-Shifa ayaa sheegay in shan qof oo kale ay maanta macluul ugu dhinteen Marinka Gaza.

Dadka geeriyooday ayaa waxaa ku jira dhallaan toddobaad uun dhalnaa, kaas oo sida la sheegay u dhintay caano la’aan.

Dhakhaatiirka ka hawlgasha Marinka Gaza ayaa sheegay in si aan la arag ay dadka gaajo ugu dhimanayaan gudaha Gaza.