Canada oo kaalmeyneysa muwaadiniinta liita.

0
103
Canadian Prime Minister Justin Trudeau looks on during a press conference with French President Emmanuel Macron in Montreal, Canada, on September 26, 2024. (Photo by Ludovic MARIN / AFP) (Photo by LUDOVIC MARIN/AFP via Getty Images)

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dowladda Canada ayaa shalay ku dhawaaqday in lacag ka badan 1.6 bilyan oo dollar ay ku bixineyso, sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka dhanka nolosha ee heysata dadka dalkaasi ku nool , gaar ahaan xilliga fasaxa ee bisha dambe.

Lacagtan ayaa la sheegay inay isugu jirto mid hal mar la siinayo qof walba oo canshuur xareeyay sanadkii hore, iyo canshuur dhaaf loo sameynayo marka ay wax iibsanayaan.

Ra’iisul wasaaraha Canada Justin Trudeau, ayaa sheegay in qorshahan uu qeyb ka yahay dadaallada lagu taageerayo dadka Canadian-ka ah.