Bulshada Dhoobley oo loogu baaqay in ay dhir badan beeraan si ay qeyb uga noqoto bilicda Deegaanka.

0
163

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dhirta oo jarista laga ilaaliyo waxa ay sabab u noqotaa in Deegaanku noqdo mid barwaaqo ah kana nabad gala nabaad guurka, Magaalada Dhoobley oo ah mid cimilo ahaan kulul ayaa hadana waxa jira in inta badan guryaha Magaalada ay ku beeran yihiin dhir taasi oo wax wayn ka tarta kulayka dadkuna ay ka helaan hoos.

Hadaba waxaan waraysi la yeelanay qaar kamid ah dhalinyarada aqoonyahanada ah ku nool magalada dhoobley oo aan ka waraysanay muhimada ay leedahay in dhirta lagu beero guryaha iyagoo islamarkaana baaq u diray bulshada ku nool magaalada in ay guryaha wadooyinka iyo meel waliba lagu beero dhirta si magaalada bilicdeeda ay u muuqato

Fardowsa Axmed Cabdi. ayaa ka warramaysa