Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wadooyinku waxay qayb muhiim ah ka qaataan bilicda iyo hormarka Magaalooyinka,Deegaanka Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa maalmihiii lasoo dhaafay ka da’ay Roobabkii dayrta oo ay ku wada diirsadeen dadka iyo duunyadaba hase yeeshee biyaha ka dhashay Roobka ayaa waxa ay xidheen wadada halbawlaha u ah Magaalada Dhoobley.
Hadaba qaar kamid ah bushada deegaanka oo warbaahinta lahadlay ayaa kawarbixiyay caqabadaha ay kala kulmaan biyaha wadooyinka fadhiistay.
Dhinaca kale gudoomiyaha Deegaanka Dhoobley Siyaad Maxamed Xasan ayaa isaguna kawarbixiyay biyaha Wadooyinka fadhiistay iyo waxyaabaha uga qorshaysan ka Maamul ahaan.
Khadar Axmed Salaan.ayaa warbixintan ku eegaya