Bukayo Saka Oo Wali Ka Sii Maqnaan Doona Garoomada.

0
40

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Bukayo Saka waxa uu qarka u saaran yahay inuu seego siddeed usbuuc oo kale oo uu garoomada ka maqnaan doono Arsenal isagoo weli ka soo kabanaya dhaawac halis ah oo soo gaaray.

Saka, oo 23 jir ah, ayaa dhaawac soo gaaray 21-kii December intii lagu guda jiray kulankii ay Arsenal 5-1 ku xasuuqday Crystal Palace garoonka Selhurst Park.

Ka dib waxa uu maray qaliin December 29, iyada oo muddada soo kabashada lagu qiyaasay inta u dhaxaysa 10 iyo 12 toddobaad.

Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee England ayaan la sheegin wax dib u dhac ah oo uu la kulmay, waxaana uu qorsheynayaa inuu ku soo laabto waqtiga kor ku xusan oo laga bilaabo markii uu dhaawacu dhacay.

The Sun ayaa soo warisay in uu maqnaan karo ‘sideed toddobaad oo kale’, taas oo ka dhigaysa inuu Soo laabto bartamaha bisha April.

Marka la eego in uu qaliin maray maalmihii ugu dambeeyay ee December, Saka waxa laga yaabaa in uu garoomada ku soo laabto dhamaadka March.

Laakiin sababta oo ah dabeecadda halista ah ee dhaawcii Soo gaadhay ilaa haatan lama garanayo wakhtiga saxda ah ee uu soo Laabanayo.