Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiddiga Arsenal ee Bukayo Saka ayaa sheegay in halyeeyga kooxda Thierry Henry uu fariin dhiirrigelin ah usoo diray ka hor guushii ay 2-0 kaga badiyeen West Ham Sabtidii.
Gunners ayaa hadda hoggaanka u haysa Premier League, kadib markii ay West Ham ku garaaceen goolal ay dhaliyeen Declan Rice iyo Saka oo dhaliyay goolkii labaad dhamaadkii ciyaarta.
Inkasta oo ay horay ugu hakadeen guuldarro iyo barbaro ay kala kulmeen Liverpool iyo Manchester City, haddana laba guul oo xiriir ah iyo laba guuldarro oo soo gaartay kooxda Arne Slot ee Liverpool ayaa xaaladda dib ugu soo celisay Mikel Arteta iyo kooxdiisa.
Saka ayaa sheegay in Henry uu si joogto ah ula soo xiriiro, isagoo ka hela fariimo dhiirrigelin ah si uu u xusuusto muhiimadda diiradda iyo dadaalka joogtada ah.
“Thierry had iyo jeer waa uu ila fariistaa. Subaxdii (Sabtida) ayuu ii soo qoray fariin uu igu xusuusinayo inaan labadii kulan ee hore ee West Ham garoonkeena ku guuldarreysanay,” ayuu Saka yiri.
“Wuxuu had iyo jeer igu riixaa inaan dadaalo. Aad bay ii dhiirrigelinaysaa taageeradaas, anigana waan jeclahay inaan mar walba horumar sameeyo.”
Goolkii uu Saka dhaliyay ayaa ka dhigay inuu gaaro 100 gool iyo caawin oo Premier League ah, kaddib markii uu ciyaaray 200 kulan.
Xiddiga 24-jirka ah ayaa sidoo kale ammaan ka helay halyeeyga Manchester United, Wayne Rooney, kaasoo ku yiri barnaamijka BBC’s Match of the Day:
“Bukayo Saka waa ciyaaryahan aad muhiim ugu ah Arsenal iyo xulka England labadaba.”






