Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Cudurka Shuban-biyoodka ayaa maalmihii u dambeeyay si daran u saameeyay bulshada ku nool Magaalada Dhoobley iyo deegaanada hoos yimaada.
Waxaana mudooyinkii dambe xarumaha caafimaadka soo gaarayay bukaanada la xanuunsan cudurka Shuban Biyoodka, Dadka sida aad ka ah ugu nugul cudurkan ayaa ah caaruurta ay dadoodu ka yartahay shanta sano kuwaasi oona awood u laheyn in ay iska difaacan xanuunkan.
Dhaqaatiirta iyo kal kaaliyaasha caafimaadka ayaa marwalba ugu baaqa bulshada in ay ku dadaalaan nadaafada oo udub dhaxaad u ah ka hortaga caafimaad darada.
Mid kamid ah dhaqaatirta ka howlaga Isbitaalka guud ee Deegaanka Dhoobley ayaa faah-faahin ka bixiyay halista u leyahay cudurka shuban Biyoodka iyo sida ugu wanagsan ee logo hortagi karo isagona xusay in maalhii u dambeyay ay Isbitaalka soo gaadheen bukaano badan oo la xanuusan xanuunka shuban Biyoodka.
Sido kale isna waxaan dhankiisa waraysi layeelanay Agaasimaha Isbitaalka guud ee Deegaanka Dhoobley Dr Maxamed Xasan oo kawarbixiyay tirda kiisaska xanuunka shuban Biyoodka ee ilaa hada ay diwaan galiyeen iyo sida bulshada deegaanka u sameeyay cudurkan.
Maxamed Cali Samow.ayaa warbixintan ku eegaya