Dhoobley(Idaacadda Sanguuni) Mar uu la hadlay TNT Sport kadib markii uu labo gool dhaliyay guushii 3-0 ahayd ee ay Bilbao ka gaareen, kabtanku wuxuu yiri: “Tababaraha iyo dhakhtarka kooxda waxay igu yiraahdaan waa inaad nasataa oo degtaa, laakiin anigu waxaan leeyahay maya. Markaan dhinto, waxaan hayn doonaa waqti badan oo aan ku seexdo oo aan ku nasto.”
Waxaa si cad u muuqata in Fernandes aanu jeclayn in la nasiyo oo uu diyaar u yahay inuu ciyaaro 90-ka daqiiqo ciyaar kasta.
Laacibka khadka dhexe ee reer Portugal waxa uu ahaa ciyaaryahanka ugu fiican ee Man United xilli-ciyaareedkan 2024/25, isagoo ilaa hadda ku lug yeeshay 37 gool (19 gool, 18 caawin) tartamada oo dhan.