Brighton Oo Ku Maadeysatay Man United Ka Dib Xasuuqii Ay U Geysteen Maanta

0
91

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Brighton ayaa bar-kulanka bulshada ku maadeysatay kooxda kooxda Manchester United ka dib guushii cajiibka ahayd ee ay 3-1 kaga badiyeen maanta oo Sabti ah.

Brighton ayaa guul kale ku gaartay Old Trafford iyagoo Man United ku garaacay gurigooda xilli ciyaareedkii hore.

Xilli ciyaareedkii la soo dhaafay Brighton waxay 2-1 ku garaacday United iyadoo xilli ciyaareedkana ay 3-1 ku dubteen kooxda tababare Erik ten Hag.

Goolal ka kala yimid Danny Welbeck, Pascal Gross iyo Joao Pedro ayaa xaqiijiyay guushooda iyagoo soo galay kaalinta afaraad ee kala sareynta.

Natiijada ka dib, Brighton waxay ku jees-jeestay Man United iyagoo bartooda bar-kulanka X ee horay loo oran jiray Twitter ku soo qoray:

“Labo kulan oo isku xiga oo Premier League ah ayaan ku badinay halkaan. Waxaan jecelnahay inaan ku ciyaarno Old Trafford.”

Brighton ayaa 12 dhibcood ka heysata shan kulan oo ay ciyaareen horyaalka Premier League, waxayna ku jiraan kaalinta afaraad halka Man United ay heysato kaliya kala bar dhibcaha Brighton, waxayna ku jiraan kaalinta 12aad, haddii ay Newcastle badisana waxay u dhacayaan kaalinta 13aad.