Halyeeyga xulka qaranka Faransiiska ee William Gallas ayaa xaqiijiyay in soo laabashada Karim Benzema ay noqon doonto mid si weyn uga caawin doonta Koobka Qaramada Yurub ee EURO 2020.
William Gallas oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay dib ugu soo laabashada Benzema ee xulka qaranka France, wuxuuna yiri:
“Waxaan heysanaa fursad weyn oo aan koobka kor ugu qaadi karno, waxaan heysanaa kooxdii ugu xoogga badneyd tartanka.”
“Ku guuleysiga Koobka Adduunka ayaa hubaal ka caawin doonta kooxda ku guuleysiga Euro.”
“Markaad ku guuleysato Koobka Adduunka, waxaad inta ugu badan ku guuleysataa Koobka Qaramada Yurub, Waxaan sameynay taas 1998, halkaasoo aan ku guuleysanay Koobka Adduunka iyo Euro labo sano ka dib, Spain ayaa sidaas oo kale sameysay.”
“Qof walba wuu ogyahay in Karim Benzema uu ka mid yahay weeraryahanada aduunka ugu fiican, wuxuuna soo qaatay xili ciyaareed aad u fiican.”
“Tartamayaashu waxay ka baqayaan inay la ciyaaraan Kylian Mbappé iyo Karim Benzema, waxay leeyihiin awood badan oo ay ku wada ciyaari karaan, waan hubaa inay goolal dhalin doonaan, runtii ma jecleysan laheyn inaan ka hor imaado iyaga.”