Beeraleyda Gobolka Shabeellaha Dhexe oo Dib uga Faa’ideysanaya Keydkii Biiyaha ee Degmada Balcad.

0
481

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Beeraleeydan oo sameeyay iskaashi Beeraleeyda ah ayaa dib uga faa,iideysanaya Keydkii Biyaha Jameeco iyagoo iska qaaday Dhaqaalo ay dib ugu furaan laba ka mid ah Albaabada Biyo Xireenka.

Axmed Cilmi oo ah Guddoomiyaha Beeraleeyda Gobolada Shabeelooyinka ayaa sheegay in Biyaha Si siman ay u isticmaalaan Dadka Beeraleeyda ah ee Kala Jooga Labada Gobol Islamarkaana si gooni ah loo Fiiriyo Dadka bixiya Dhaqaalaha ugu badan ee lagu furayo Keydka Biyaha Jameeca Ee Degmada Balcad waxaana uu ugu dambeyntii ugu baaqay Bulshada Soomaaliyeed in laga caawiyo sidii loo furi lahaa Afarta Albaab ee Keydkaasi oo Hadda Laba kamid ah la isticmaalayo.

Sikastaba Ha,ahaatee Keydka Biyaha Jameeca ee Degmada Balcad ayaa ah keyd ay siwadajir ah u isticmaalaan Beeraleeyda Labada Gobol islamarkaana ay kaga faa,iideestaan Wax soo saarka waxaana ay isticmaalkaasi Keydka Biyaha ay Bilaabeen Dhamaadka Bishii December ee Sanadkii dhamaaday ee 2021.