Beeralayda Degmada Jalalaqsi oo ku barakacay Fatahaadda Webiga Shabeelle

0
191

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni) Kadib markii beerihii ay qodan jireen qoysaskan ay si is daba joog ah u saameysay fatahaadda Webiga Shabeelle, waxay miciin bideen oo hadda ku nool yihiin kaamka Barwaaqo ee magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan iyadoo dadkan ay ka soo barakeceen qeybo ka mid ah deegannada hoos taga degmada.

Guddoomiyaha Kaamka Barwaaqo ee magaalada Jalalaqsi  ayaa sheegay in qoyaskan ay haysato duruuf kala duwan kadib markii deegaanadii iyo beerihii ay qodan jireen ay saamaysay fatahaadda wabiga Shabeele.

Guddoomiyaha Degmada Jalalaqsi Maxamed Nuur ayaa ugu baaqay hayadaha Samafalka inay gurmad lasoo gaaraan qoyaskan kasoo barakacay deegaanadii ay ku noolaayeen.

Cabdullaahi Cabdicasiis Siraad ayaa warbixintan soo jeedinaya