Bayern Munich Oo Sibiq Kaga Baxatay Dagaalkii Waqtiga Dambe Ee Man United, Qaladkii Dilaaga Ahaa Ee Onana & Casemiro Oo Dhaliye Isku-rogay

0
75

Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa guul ka gaadhay Manchester United oo marti ugu ahayd Allianz Arena oo toddoba gool ay labada kooxood iskaga dhaliyeen, xilli uu goolhayaha Anre Onana noqday murugada Manchester United burburka ku keentay.

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Bayern Munich ayaa laba gool la hormartay qaybtii hore kaddib qalad xun oo dilaa ah oo uu sameeyey goolhaye Onana oo kubbad diciif ahayd oo uu kusoo laaday Leroy Sane ay ka hoos baxday daqiiqaddii 28aad, halka afar daqiiqadood kaddibna uu ogolaaday in Serge Gnabry uu laad kale oo aad u liitay uu ka dhaliyo, inkasta oo eedda goolkan dambe ay qaybsanayeen difaacayahannada kooxdiisa.

Onana oo moodayey in uu kubadda qabtay ayaa ka baxsatay farihiisa, waxaanay u weydaaratay shabaqiisa taas oo keentay in ciyaartoyda kooxdiisu ay dhaxda qabsadaan oo ay niyad-jab dareemaan, halka goolka labaad oo lagaga toogtay xerada ganaaxa aanu xataa isku dayin in uu raaco.

Bayern Munich oo inta badan ciyaarta maamulaysay ayaa ka sokow labada gool ee ay la timid qaybta hore, waxa kale oo ay heshay fursado ay iska lumiyeen ciyaartoydeeda afka hore iyo khadka dhexe, maadaama Man United ay isku dhax-yaacsanayd.

Markii lagu soo noqday qaybta labaad ee ay afar daqiiqadood socotay ayuu Rasmus Hojlund niyadda usoo celiyey kooxdiisa Manchester United oo uu u dhaliyey gool dib u furay ciyaarta, kaas oo ahaa goolkiisii koowaad ee uu u dhaliyo kooxdiisa cusub.

Laakiin goolkaasi masii waarin, waxaana dhacday niyad-jab kale kaddib markii afar daqiiqadood oo kaliya kaddib Bayern Munich loo dhigay rikoodhe. Christian Eriksen ayaa gacan ku qabtay kubbad koorne ahayd oo uu madax kusoo celiyey Upamecano, waxaana laga soo hubiyey VAR oo waafaqday go’aanka garsooraha dhexe oo hubin ugu tegay VAR.

Harry Kane ayaa gool u beddelay rikoodhahaas oo uu xarrago dhaliyey, isaga oo aan wax badan iskaga tirinin goolhayaha reer Cameroon ee xaaladda adag ku jiray.