Barcelona Oo Saxeexa Mbappe Ka Af-Duubanaysa Real Madrid & Qorshaha Cajiibka Ah Ee Uu Laporta Dajiyay

0
389

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Walow ay u muuqato mid ay adagtahay in la rumaystaa haddana garabka Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe ayaa helay koox kale oo saxeexiisa doonaysa oo isku dayi doonta inay kahor istaagto ku biirista Real Madrid.

Xilli ay soo baxeen warar sheegaya in Real Madrid ay isku doonayso Kylian Mbappe iyo Erling Haaland labadaba haddana waxa la xusayaa in madaxweynaha Barcelona ee Joan Laporta uu samayn doono waxkasta oo awoodiisa ah si uu Mbappe u helo.

Mbappe ayaa u muuqda mid aad ugu dhaw inuu noqdo ciyaaryahan Real Madrid ah, fursada ay Barca kaga xadi karto madaxweyne Joan Laprorta ayaa ah mid yar.

Sida uu sheegayo wargeyska L’Equipe, madaxweynaha Barcelona ee Laporta ayaa aaminsan in kooxdiisu ay ciyaaryahan kasta lasoo saxeexan karto kaddib heshiisyadii ay dhawaan la gashay shirkaddaha Goldman Sachs iyo Spotify.

Sidoo kale dib usoo noolaynta Barcelona ee macalin Xavi Hernandez ayaa ah sabab kale oo ay xiddigaha tayada sarre lehi ku dooran karaan kooxdaasi.

Arrinta ku riixaysa Blaugrana heshiiska Mbappe ayaa ah inuu xor yahay oo bilaash lagu heli karo oo ay kaliya u baahan yihiin inay bixiyaan mushaharkiisa iyo gunnada qoyskiisu qaadan doono.

Dhinaca kale wakiilka matala Erling Haaland ee Mino Raiola ayay wararku sheegayan inuu 75 Milyan oo euro doonayo waana lacag uu wax aan macquul ahayn u arko Laporta.