Dhobley(Idaacadda Sanguuni)-Barcelona ayaa iska xaadirisay wareega siddeeda ee tartanka Europa League kaddib markii ay kooxda Galatasaray kaga soo adkaatay 1-2, kulankii lugta labaad ee wareega 16-ka, iyadoo cel celis ahaan Barca ay labada kulan ku adkaatay 1-2.
Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Galatasaray iyo Barcelona ku kala nasteen barbardhac 1-1 ah.
Daqiiqadii 28-aad kooxda Galatasaray ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 1-0 ka dhigay laacibkooda Marcao, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis A. Cicaldau.
Laakiin 37 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Barcelona ayaa dhalisay goolka barbardhaca waxaana 1-1 ka dhigay Pedri oo caawin ka helay saaxiibkii F. Torres.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
Aubameyang oo caawin ka helay saaxiibkiis F. d. Jong ayaa daqiiqadii 49-aad wuxuu hoggaanka u dhiibay kooxda Barcelona wuxuuna dheesha ka dhigay 1-2.
Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 1-2 ay kaga soo adkaatay Barcelona kooxda Galatasaray oo ay booqatay, Barca ayaa qeyb ka noqotay kooxaha nasiibka u yeeshay inay u gudbaan wareega xiga ee siddeeda.