Home Cayaaraha Barcelona oo iska diiday dalabkii ugu qaalisanaa xagaagan 2020 oo laga soo...

Barcelona oo iska diiday dalabkii ugu qaalisanaa xagaagan 2020 oo laga soo gudbiyay mid ka mid ah xiddigaheeda

0
222

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)  Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa iska diiday dalabkii ugu qaalisanaa xagaagan 2020, si ay u ogolaato inuu baxo da’ayarka reer Spain ee Ansu Fati.

Barcelona ayaa halkeeda ka sii waday inay ku dhaganaato laacibkeeda Ansu Fati, kaddib markii ay iska diiday dalab cusub ee loo soo bandhigay inta lagu gudi jiray suuqan xagaaga, sida lagu sheegay warbixinta uu daabacay wargayska “Marca” ee dalka Spain, saakay oo Sabti ah.

Wargeysku wuxuu ku sheegay warbixintiisa in Barcelona ay diiday dalab weyn oo gaaraya 150 million euros, si loo fasaxo 17 jirkan reer Spain ee Ansu Fati.

Way iska cadahay in Barcelona ay rajo weyn ka qabto da’ayarka reer Spain inuu noqdo xiddiga kooxda ee mustaqbalka, maadaama uu ka mid yahay xiddigaha hadda soo koraya kuwooda ugu fiican kubadda cagta ee adduunka, waxaana suurtogal ah inuu yahay kooda ugu fiican.

Wargayska “Marca” ayaa wuxuu hadalkiisa intaas ku sii daray in Manchester United ay tahay kooxda dalabkan weyn ka soo gudbisay Ansu Fati, sababa la xiriira iny horey u muujisay xiisaha ay u qabto da’ayarkan reer Spain muddo dheer.