Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbardhac 1-1 ah ay isku dhaafi waayeen labada kooxood Barcelona iyo Real Betis.
Daqiiqadii 22-aad kooxda Barcelona ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay xiddiga reer France ee Ousmane Dembele, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Antoine Griezmann.
Laakiin daqiiqadii 33-aad kooxda Real Betis ayaa dhalisay goolka barbardhaca, waxaana 1-1 ka dhigay dheesha Antonio Sanabria.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
Daqiiqadii 49-aad kooxda Barcelona ayaa markale hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 2-1 ka dhigay dheesha Antoine Griezmann, xilli uu caawinta goolkan ka helay Jordi Alba.
62 daqiiqo marka ay dheesha aheyd kooxda Barcelona ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool u badelay Lionel Messi, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 3-1 ay ku hoggaamineysay Barca.
Daqiiqadii 74-aad Real Betis ayaa dhalisay gool, waxaana 3-2 dheesha ka dhigay Loren Moron.
82 daqiiqo kooxda Barcelona ayaa dheereysatay hoggaanka ciyaarta kaddib markii uu Lionel Messi ka dhigay 4-2, waxaana goolkan si qurux badan kaga caawiyay saaxiibkiis Sergi Roberto.
Daqiiqadii 90-aad Pedri ayaa ciyaarta ka dhigay 5-2 ay ku hoggaamineysay kooxda Barcelona, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Sergi Roberto.
Ugu dambeyntii dheesha ayaa ku soo idlaatay 5-2 ay Barcelona kaga adkaatay kooxda Real Betis oo marti ugu aheyd garoonka Camp Nou.
SAWIRRO:
Gool FM.