Barcelona oo garoonkeeda Camp Nou guul muhiim ah kaga gaartay kooxda Athletic Bilbao

0
252

Qeybyta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysa kooxda Barcelona.

Daqiiqadii 20-aad kooxda Barcelona ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Lionel Messi oo dhaliyay laadka xurta ah oo aad u qurxoon.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

49 daqiiqo marka ay dheesho mareysay kooxda Athletic Bilbao ayaa heshay goolka barbardhaca, kaddib markii uu goolkan iska dhaliyay xiddiga Barcelona ee Jordi Alba dheeshay ayaana sidaas ku noqotay 1-1.

Daqiiqadii 74-aad Antoine Griezmann oo caawin qurux badan ka helay saaxiibkiis Oscar Mingueza ayaa hoggaanka u dhiibay kooxdiisa Barcelona wuxuuna dheesha ka dhigay 2-1.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-1 ay Barcelona kaga adkaatay kooxda Athletic Bilbao oo marti ugu aheyd garoonka Camp Nou, Barca ayaana haata booska labaad ka soo gashay kala sareynta horyaalka La Liga.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image