Qeybya hore ee dheeha ayaa lagu kala nastay barbardhac 0-0 ah ay isku mari waayeen labada kooxood Barcelona iyo Levante.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
Daqiiqadii 76-aad kooxda Barcelona ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta, waxaana 1-0 ka dhigay Lionel Messi, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay Frenkie de Jong.
Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 1-0 ay Barcelona kaga adkaatay kooxda Levante oo marti ugu aheyd garoonka Camp Nou.
SAWIRRO: