Barcelona oo carqaladeysay wada xaajoodka heshiis kordhinta ah ee u socday Neymar Jr iyo naadiga PSG… (Sidee?)

0
187

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Waxaa dhowaanahan la isla dhex marayay in wada xaajood heshiis kordhin ah uu u socdo kooxda kubadda cagta ee Paris Saint-Germain iyo xiddigeeda Neymar Jr, hase ahaatee, wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanayay dalka Spain ayaa sheegaya in Barcelona ay dhexda u gashay wada hadalladaas.

Naadiga La Liga ciyaarta ayaa xiriir la sameysay laacibka kooxda PSG si ay ugu soo celiso Camp Nou oo uu ka dhaqaaqay xagaagii 2017 .

Qandaraaska uu Neymar kula jiro naadiga Faransiiska ka dhisan ayaa dhici doona xagaaga 2022, waxaana dhowr jeer lala xiriiriyay inuu Lionel Messi markale kula midoobayo Blaugrana.

Majaladda SPORT oo soo xiganeysa warsidaha RAC1 ayaa sheegtay in weeraryahanka reer Brazil uu yahay bartilmaameedka koowaad ee kooxda Barcelona isla markaasna uu kaga horreeyo xiisaha ay u qabaan laacibka Borussia Dortmund ee Erling Haaland.

Jariiradda Spain kasoo baxda ayaa intaas ku dareysa in Neymar qudhiisu uu daneynayo dib ugu laabashada Barca inkastoo dhibaatooyinka dhaqaale ee soo food saaray kooxda Macallin Ronald Koeman ay caqabad ku noqoneyso dib ula soo saxiixashada xiddigeedii hore.

Hase ahaatee, Barcelona ayaa fursad u arkeysa in wada hadallada ay PSG heshiiska ugu kordhineyso Neymar ay burburaan si xagaaga dambe ay bilaash uga soo qaataan, ama in kooxda Parc des Princess ku ciyaarta ay qiimo jaban ku fasaxdo laacibkan halkii uu beeca xorta ah kaga dhaqaaqi lahaa sanad kaddib.

Si kastaba ha ahaatee, Paris Saint-Germain ayaa kalsooni badan ku qabta in Neymar uu qalinka dul dhigi doono qandaraas cusub oo uu Paris ku sii joogayo, sidoo kalena uusan iib ka ahayn kooxdooda.