Barashada luuqadda carabiga oo Magaalada Dhoobley si wayn uga socota.

0
319

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Luuqada carabiga ayaa ah luuqada labaad ee aduunka logaga hadlo luuqadan ayaa waxa ay ku qorantahay quraanka Alle iyo axaadiista taas oo micnaheedu tahay in qofka yaqaana carabiga uu wax badan ka garan karo micnaha Qu’raanka kariimka.

Hadaba Dadka Soomaaliyeed waxa ay leeyihiin laba luqadood kuwaasi oo kala ah Af-Soomaaliga iyo Af-Carabiga, Deegaanka Dhoobley  ee Gobolka Jubada-Hoose waxa si wayn uga socda barashada Luuqadda Carabiga.

Sheekh Xasan Raage oo kamid ah culumada Deegaanka ayaa nooga warbixiyay ahmiyada ay leedahay barashada af-caribaga.

Sido kale isagana waxaa dhankiisa kahadlay sheekh Cabdi Fatax oo kamid ah macalimiinta bara luuqada caribiga isaga kawarbixiyay sida Ardayda uu ugu soo barbaariyo barashada luuqada carabiga.

Khadar Axmed Salaan.ayaa warbixintan ku eegaya