Barakacyaasha Kaam Daryeel ee Deegaanka Dhoobley oo codsaday Ceel Biyood.

0
351

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Kaamka daryeel waxa uu kamid yahay kaamamka ku yaala Magaalada Dhoobley ee Gobalka Jubada Hoose, kaamkan ayaa dhawaan dibu dajin loogu sameeyay dadka ka soo barakacay abaarta ku habsatay Dalka.

kaamkan ayaa waxaa  ku nool  dad dan yar ah oo ay ka dhamaadeen xoolihii ay dhaqanayeen iyagoona soo miciin biday Deegaanka Dhoobley oo ay horay u sii joogeen baracayaal kale.

Iidle Cabdi oo ah Gudoomiyaha baracayaasha Kaamka Daryeel ee Deegaanka Dhoobley oo Radio Sanguuni wareysi siiyay ayaa waxa uu kawarbixiyay xalada nolaleed ee kaamka isagoona Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Hay’adaha samafalka ka codsaday in ceel biyood loo qodo Dadka danyarta ah ee ku nool kaamkaasi.

Sido kale iyagana waxaan geestooda waraysanay qaar kamid bulshada danyarta ee ku nool kaamkaasi iyagoona noo sheegay in goobta ay biyaha u raad sadaan ka fogtahay kaamka u na baahan yihiin in looqodo ceel biyood.

Khadar Axmed Salaan.ayaa warbixintan ku eegaya.