Barakacayaasha Kaamka Mowliid laqaay ee Deegaanka Dhoobley oo codsaday in loo dhiso xarun caafimaad.

0
154

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Deegaanka Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose waxa uu kamid yahay deegaanada ay sida ba’an u saamaysay abaarta ku dhufatay qeybo badan oo kamid ah Gobolada Dalka taasi oo sababtay xaalad bini’aadanimo iyo in dad badan oo isagu jira xoolo dhaqato iyo beeralay ay noqdaan barakac.

Dad badan oo barakacayaal ah oo ku nool kaamka Mowliid Laqaay ee Magaalada Dhoobley ayay soo wajahday daruufo nololeed oo ay uga horeyso caafimaad daro ka jirta kaamka.

dadka ku soo barakacay kaamkan ayaa u badan xoolo dhaqato ee kuu nolaa Deeganada Miyiga ah ee hoos yimada Magaalada Dhoobley iyo sido kale Tulooyinka ku xeeran kuwaasoo ay gacantoodu ka baxeen xoolihii ay ku tiirsanayeen islamarkaana aan awoodin inay helaan waxyaabaha aas-aasiga u ah nolosha aadanaha.

Maxamed Cali Samow.ayaa warbixinatan ku egaya