Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Daruufaha nololeed ee ku gidaaman qaar kamid ah qoysaska soomaaliyeed ayaa sabab u noqotay in caruurtooda aysan wax baran gaar ahaan caruurta ku nool kaamamka barakacayaasha ee ku yaala magaalada dhoobley.
Waalidiinta dhalay caruurta ku jirta kaamka daryeel ee magaalada dhoobley ayaa radio sanguuni u sheegay inaysan haysan goobo ay caruurtooda wax ku bartaan waxayna hay’adaha samafalka iyo maamulka deegaanka ka codsadeen in loo hirgaliyo goobo waxbarsho.
Dhanka kale gudoomiyaha kaamka daryeel iidle aden xassan ayaa ka warbixiyay xaalada waxbarsha la,aaneed ee ka jirta kaamka waxuuna ka codsaday maamulka iyo hay’adaha samafalka in kaamka laga dhagax dhigo iskuul ay wax ku bartaan da’yarta ku nool kaamkasi.
Maxamed Cali Samow. ayaa warbixintan inooga diyaariyay