Dhobley(Idaacadda Sanguuni)-Kaamka daryeel waxa uu kamid yahay kaamamka ku yaala magaalada dhoobley ee gobalka jubada hoose, kaamkan ayaa dhawaan dibu dajin loogu sameeyay dadka ka soo barakacay abaarta ku habsatay dalka.
kaamkan ayaa waxaa ku nool dad dan yar ah oo ay ka dhamaadeen xoolihii ay dhaqanayeen iyagoona soo miciin biday deeganka dhoobley oo ay horay u sii joogeen baracayaal kale
Hadaba qaar kamid ah bulshada dan yarta ee ku nool kaamkaasi ayaa radio sanguuni uga warbixiyay xaaladooda nololeed iyagoona maamulka jubbalan iyo haay’adaha samafalka ka codsaday in gaar-gaar Bini’adanimo loo fidiyo maadaama ay yihiin dad dan yar ah oo ka dhamaa deen xooli ay dhaqanayeen.
Khadar Axmed Salaan ayaa warbixintan inooga diyaariyay