Bahda waxbarashada afmadow oo wasaarada waxbarashada jubbaland ka codsaday in wax laga qabto baahiyaha waxbarasho ee kajira dagmada

0
245

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Degmada afmadow ee gobolka jubbada hose waxa ay kamid tahay deeganada waayihii u danbeeyey  laga dareemayay koroor xaga waxbarashada ah, waxa ay marar badan kalimaha hore ka gashay imtaxaanadka shahaadiga ah ee heer dowlada goboled iyo dowlada fadaraalka, iyaado taasi ugu wacnayd dadaalka ay sameyeen macalimiinta iyo ardayda.

Hadaba Maamulaha dugsiga hoose ee dhoobale Cabdullahi Sacad Ibrahim iyo macalin Asad Dahir Maxamuud oo ah maamulaha dugsiiga  dhax sare ee waamo oo warbahiinta la hadlay ayaa sheegey in si iskood ah u shaqeeyaan oo aysan jirin cid xaaladooda kawarqabta iyagoona wasaaradda waxbarashada ee dowlad goboledka jubbaland ka codsadey in aay macalimiinta siiso mushaar iyo tababarro joogta ah si aqoontoda macalinimo kor loogu soo qado si aay u so saran jiil aqoon xanbarsan oo dalka wax u qabta.

Naxwo Axmed kadiye. ayaa warbixintan ku eegeysa