Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Shirka Baarlamaanka Bariga afrika ee cunada iyo nafaqada oo ka socda Magaaladda Kampala ee Caasimadda wadanka Uganda ayaa wafuuda kala duwan ee ka qeyb galeysa waxa ay kaga doodeen xaaladda cuna yerida iyo nafaqa la’aan ee Qaaradda gaar ahaan geeska Afrika.
Xubnaha shirka ka qeyb galeya ayaa inta shirka uu socday doortay hogaanka cusub ee shirka hogaamin doona sanadka 2025.
Hoggaanka isbaheysigan oo ka kooban ilaa todoba xubnood oo ka kala imaanaya wadamada xubnaha ka ah, wakiilada IGAD iyo EALA ku matalaya isbaheysigan ayaa waxaa xubnaha fulinta ee isbahaysigan Soomaaliya ku matali doona Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi oo ka mid ah Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.