Arteta Oo Sharaxay Sababta Uusan Shaxdiisa Ugu Bilaabi Eze.

0
45

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha Arsenal, Mikel Arteta ayaa sharaxay sababta uu uusan ku bilaabin saxiixii xagaaga ee kooxda, Eberechi Eze, kulankii ay la ciyaareen Liverpool.

Arteta ayaa daawanayay iyadoo Liverpool ay 1-0 kaga adkaatay Gunners garoonka Anfield, kaddib gool uu qeybtii labaad dhaliyay Dominik Szoboszlai.

Tababaraha reer Spain ayaa doortay inuusan Eze ku bilaabin ciyaarta inkasta oo uu u baahnaa xiddig sameeya kubada.

Eze ayaa beddelay Gabriel Martinelli daqiiqaddii 70aad, balse guuldaro kama uusan badbaadin kooxdiisa.

Arteta ayaa wareysi kadib ciyaarta ku sheegay: “Wuxuu nala joogay 4 ama 5 maalmood oo kaliya.

“Maanta wuu helay waayo-aragnimo fiican. Ciyaartoydii ciyaartay waan ku aaminsanahay gebi ahaanba,” ayuu ku daray.