Arsenal Oo SHAN Dhibcood Oo Nadiif Ah Ku Qabatay Hogaanka Premier League Ka Dib Xasuuq Ay U Geysteen Everton.

0
111

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda Arsenal ayaa shan dhibcood oo nadiif ah ku qabatay hogaanka horyaalka Premier League ka dib markii ay 4-0 ku dubteen kooxda Everton oo marti ugu aheyd Emirates Stadium.

Gunners oo kulan uu baaqsanaa ayaa haatan 25 kulan oo ay ciyaareen waxay leeyihiin 60 dhibcood iyagoo shan dhibcood ka sareeya kooxda kalinta labaad ee Manchester City, waxayna 11 dhibcood ka sareeyaan kooxda kaalinta seddexaad ee Man United oo iyaduna uu kulan u harsan yahay.

Goolal ay kala dhaliyeen Bukayo Saka Gabriel Martinelli ayaa guusha u xaqiijiyay Gunners halka Everton ay weli ku dhex jirto boosaska loogu dhaco heerka labaad.

Everton ayaa kubada difaacaneysay muddo 40 daqiiqo ah laakiin shantii daqiiqo ee ugu danbeysay qeybtii hore ee ciyaarta ayay Arsenal fursad u heshay inay ku ciqaabto kooxda dhibtooneyso.

Daqiiqadii 40aad Aleksandr Zinchenko ayaa kubad u dhigay Bukayo Saka oo ka leexsaday Mykolenko ka hor inta uusan labo jeer kubada sii taabanin oo uusan dabamarinin goolhaye Jordan Pickford.

Waxaa qeybtii hore lagu kala nastay 2-0 oo ay Arsenal hogaanka ciyaarta ku heysay.

Daqiiqadii 70aad Arsenal ayaa hurdo u dirtay ciyaarta markii Leandro Trossard uu kubad u soo celiyay Martin Odegaard oo aan shabaqa la gafin isagoo dhaliyay goolkii seddexaad ee Arsenal.

Durbadiiba taageerayaasha Arsenal ayaa bilaabay inay ku heesaan “inagaa ugu sareena horyaalka”, Gunners ayaa seddex darbo oo goolka ku bartilmaameedsan oo ay heshay intaba u bedeshay gool.

Daqiiqadii 80aad Arsenal ayaa heshay goolkeedii afaraad ee ciyaarta markii Martinelli uu dhaliyay goolkiisii labaad ee ciyaarta.

Guushaan waxay kalsooni dhis u tahay Arsenal oo u dagaalameysay markii ugu horeysay muddo sannadooyin ah hanashada horyaalka Premier League.