Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Shabakadda caanka ah ee Opta ayaa soo saartay saadaal cusub oo ku saabsan kooxda ku guuleysan doonta horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, kaddib isbeddel weyn oo ku yimid tartanka toddobaadkii la soo dhaafay.
Kooxda Chelsea ayaa guul muhiim ah ka gaartay kooxda difaacanaysa horyaalka, Liverpool, taasoo si weyn u bedeshay isbarbardhigga awoodaha kooxaha ugu sarreeya. Dhanka kale, Arsenal ayaa guul adag ka gaartay West Ham United, taasoo sababtay inay si buuxda ay ula wareegaan hoggaanka horyaalka.
Opta ayaa saadaalisay in Arsenal ay ku guuleysan doonto Premier League iyadoo urursan doonta 77 dhibcood, halka Liverpool loo saadaaliyay inay ku dhammaysaneyso kaalinta labaad iyadoo heli doonta 75 dhibcood.
Kooxda Manchester City ayaa la filayaa inay gasho kaalinta saddexaad iyadoo heli doonta 68 dhibcood, halka Crystal Palace si lama filaan ah loogu saadaaliyay kaalinta afraad iyadoo heli doonta 63 dhibcood.
Dhanka kale, Chelsea ayaa loo saadaaliyay inay ku dhammaysaneyso kaalinta shanaad, iyagoo heli doonta 61 dhibcood marka uu xilli ciyaareedku soo dhamaado.