Arne Slot Oo Ka Hadlay Wararka Trent Alexander-Arnold La Xidhiidhinaya Real Madrid.

0
26

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha kooxda Liverpool Arne Slot ayaa sheegay in Trent Alexander-Arnold uusan ku mashquuli doonin wararka xanta ah ee la xiriirinaya Real Madrid.

Alexander-Arnold ayaa mustaqbal aan la hubin ku wajahaya Anfield, iyadoo qandaraaskiisa haatan uu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Real Madrid ayaa la rumeysan yahay inay u aragto Alexander-Arnold bartilmaameedka koowaad ee suuqa kala iibsiga si ay u xoojiyaan daafacooda dambe.

Los Blancos ayaa doonaysa in ay xoojiso difaaca midig gaar ahaan Dani Carvajal oo dhaawac halis ah ka soo gaaray jilibka ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Iyadoo Real Madrid ay ku wareegayso, Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay qiratay in ay Alexander-Arnold lumin doonto sanadka 2025.

Si kastaba ha ahaatee, Slot ayaa ku adkeystay in ciyaartoyda waaweyn ee Liverpool aysan ku mashquulin doonin xanta suuqa kala iibsiga ee dhawaanahan.

“Waxaan u maleynayaa inaad yareyso ciyaartoydeena,” Slot ayaa u sheegay suxufiyiinta ka hor kulanka axada ee Chelsea.

“Ciyaartoydan waxa ay la qabsadeen in maalin walba lala xidhiidhiyo kooxo cusub, hadii aad heshiis ku jirto iyo hadii kale”.

“Haddii aad u malaynayso inay dhibsadeen danahaas, markaa waxaan u maleynayaa inaadan u cadaalad samayn inta maskaxdooda iyo waxay u yaqaaniin, tani waa qayb ka mid ah shaqadayada”.