Arne Slot oo Bannaanka Keenay Sababta Uu Milos Kekez Garoonka Uga Saaray Kulankii Chelsea

0
179

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha Liverpool, Arne Slot, ayaa sheegay inuu weli si taxadar leh u maareynayo daqiiqadaha uu ciyaaro Milos Kerkez, kaddib markii daafaca bidix laga saaray ciyaartii 2-1 ee Chelsea.

Kerkez, oo xagaagan £40 milyan kaga yimid Bournemouth, ayaa ku bilowday toddobadii kulan ee Premier League ee Liverpool ilaa hadda, balse weli ma uusan soo bandhigin heerkii cajiibka ahaa ee uu muujiyay xilli-ciyaareedkii hore ee uu ka hoos ciyaarayay Andoni Iraola.

Ciyaartii Sabtidii ee ka dhacday Stamford Bridge, daafaca reer Hungary ayaa wajahay shaqo adag isagoo ka hor yimid weeraryahanka Chelsea ee Pedro Neto, waxaana la beddelay daqiiqaddii 55aad iyadoo lagu soo beddelay Andy Robertson.

Kadib kulanka, Slot ayaa sheegay inuu doonayay inuu difaaca dajiyo maadaama uu daal badani ka muuqday, isagoo ku mashquulsanaa jadwal adag oo uu saddex kulan ku ciyaaray toddobaad gudihiis.

“Milos wuu daalanaa — wuxuu ciyaaray 90 daqiiqo labo kulan oo hore iyo hadda waa kulankii saddexaad usbuuc gudihiis. Tani ma ahayn wax uu caado u lahaa markii uu joogay Bournemouth,” ayuu Slot u sheegay Sky Sports.