Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Magaalada Kismaayo waxaa kuyaala xarumo badan oo lagu barto farsamada gacanta kuwaas oo inta badan ay ka faaidaystan dhalinyarada iyo dadka waawayn ee an yaraan toodi wax soobaran balse haatan helay fursado ay wax kubaran karaan.
Xarunta farsamada gacanta ee KTI Waxa ay kamid tahay gobaha lagu barto xirfadaha gacanta waxana xirfadaha lagu barto kamid ah x Xirfada tolista dharka dhismaha wadoyinka computerka iyo xirfado kle.
Qaar kamid ah dhalinyarada Xirfada ku barata xarunta farsamada gacanta ee KTI ayaa ka sheekeeyay inay ku faraxsanyihiin xirafadaha ay bartaan ayna donayaan inay mustaqbalkooda ku shaqaystaan .
Dhanka kale agaasimaha guud ee machadka KTI Hassan abdi Hassan ayaa ka warbixiyay ahmiyada ay u leedahay dhalinyarada xirfadaha kala duwan oo ay machadka ku bartaan.
Si kastaba ha noqotee Farsamada gacanta ayaa ah mid ay dhalinyarada ku nool magalada kismyo ay wax faro badan u tari doonto maadaama ay jiraan dhalinyaro aan waxba hore u soo baran haatana helay fursad ay wax ku barantaan taaso intooda badan ay nolooshoda hormarisay.
Fardowsa Axmed Cabdi. ayaa ka warramaysa