Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiddiga reer Turkiga ee Real Madrid, Arda Güler, ayaa la hadlay warbaahinta kaddib guushii 1-0 ee ay kooxdiisu ka gaartay Juventus wareegga saddexaad ee Group yada Champions League, kulan ka dhacay garoonka Santiago Bernabéu.
Güler ayaa sheegay:“Waxay ahayd guul weyn, hambalyo qof walba. Aad ayaan ugu mahadcelinayaa taageerayaasha. Waxqabad wanaagsan ayaan soo bandhignay, waxaana helnay saddexda dhibcood.”
Isagoo sii hadlayay, waxa uu raaciyay:
“Waxaan dareemayaa muhiimaddayda kooxda. Waan uga mahad celinayaa Xabi kalsoonida uu ii muujiyay. Wuxuu iga codsadaa inaan xakameeyo ciyaarta oo aan hal-abuurnimo muujiyo.”
Markii la weydiiyay booska uu jecel yahay, Güler ayaa yiri:
“Waxaan ka ciyaari karaa dhowr boos — sida lambarka 10 oo abuuraya iyo dhalinaya goolasha, ama lambarka 8 oo ka ciyaaraya khadka dhexe ee sare.”
Isagoo ka hadlayay wada-shaqayntiisa Kylian Mbappé, Güler wuxuu yiri:
“Waa wax cajiib ah, waa nin weyn oo dabeecad fiican leh.”
Markii uu ka hadlay abaalmarinta ciyaaryahankii ugu fiicnaa kulanka, wuxuu sheegay: “Waan la yaabay, haa. Uma ciyaaro si aan abaalmarin u helo, waxaan u ciyaaraa si aan u guuleysto. Ma aanan ogeyn in aniga la i doortay ciyaaryahankii ugu fiicnaa.”
Ugu dambeyntii, isagoo ka hadlaya kulanka El Clásico ee soo socda ayuu yiri:
“Marka aan wajahno Barcelona, waxaan isku dayi doonnaa inaan guuleysano.”