Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS ayaa Maanta Magaalada Muqdisho ku qabatay aqoon iswaydaarsi ku saabsan ansixinta barnaamijka wax soo saarka reer Miyiga.
Aqoon is weydaarsigan ayaa ujeedkiisu ahaa sare u qaadida aqoonta wax soo saarka reer Miyiga iyadoo inta uu socdo lagu soo bandhigi doono doodo iyo warbixino ka hadlaya wax soo saarka Dalka.
waxaana ka qeyb galay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo arimaha bulshada Masuuliyiin ka kala socotay Hay’adda FAO, Wasaaradaha ka shaqeeya wax soo saarka Dalka iyo marti sharaf kale.
Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya