“Alonso Ayaa Khaldan, Ma Ahayn In Vinicius” Van Basten Oo Si Adag U Difaacay Vinicius Jr Kadib Cadhadii El Clásico

0
44

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kadib maalmo dhaleeceyn xoogan oo lagu wajahay Vinícius Jr sababo la xiriira falcelintiisii El Clásico, xiddiga reer Brazil ayaa hadda helaya taageero ka imanaysa halyeeyo caan ah. Toni Kroos ayaa markii hore ka hadlay arrinta isaga oo difaacaya Vini, waxaana hadda hadalka ku biiray Marco van Basten oo ka mid ah halyeeyada kubadda cagta Netherlands.

Isagoo ka hadlay TV laga leeyahay dalka Holland, van Basten wuxuu si toos ah u weeraray tababaraha Real Madrid Xabi Alonso, isaga oo su’aal geliyay go’aankii uu Alonso kaga saaray Vinícius ciyaarta:

“Muxuu Xabi Alonso u saaray ciyaaryahankiisii ugu fiicnaa? Waxaan si buuxda u fahamsanahay falcelinta Vinícius,” ayuu yiri Van Basten.

Inkasta oo Vinícius uusan gool dhalin ama caawin sameyn kulankaas, hadane wuxuu ahaa mid aad u firfircoon inta badan ciyaarta.

Wuxuu ku dhowaaday inuu helo rigoore bilowgii ciyaarta, inkastoo VAR ay baabi’isay go’aankaas.

Kadibna isagaa bixiyay baaskii sababay in kubadda uu Militao madaxa kusoo celiyo, taasoo ka dambeysay goolka guusha ee uu dhaliyay Jude Bellingham.

Dhinaca kale, wararka laga helayo Madrid ayaa sheegaya in Real Madrid aysan qorsheyneyn inay ciqaab dul dhigto Vinícius dabeecaddiisa kadib beddelkii lagu sameeyay.