Alejandro Garnacho Oo Mas’uuliyadda Guuldaradii Chelsea Kasoo Gaartay United Ku Eedeeyay Hal Ciyaaryahan

0
159

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Weeraryahanka Chelsea Alejandro Garnacho ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in kooxdiisu ay guul ka gaari lahayd Manchester United haddii goolhayaha Robert Sanchez uusan casaan toos ah qaadan lahayn daqiiqaddii 5-aad ee ciyaarta.

Sports league merchandise

 

Chelsea ayaa guuldarro 2-1 kala kulantay United bishii hore, ciyaar ay 10 ciyaaryahan ku ahaayeen inta badan kulanka kadib markii Sanchez la saaray goor hore. Casemiro ayaa isna la saaray qeybtii hore, balse Blues ma aysan awoodin inay ka soo kabtaan labadii gool ee hore looga dhaliyay.

Kooxda uu hoggaamiyo Enzo Maresca ayaa hadda isku diyaarinaysa kulanka adag ee ay Sabtida la ciyaarayaan Nottingham Forest, kadib guushii 2-1 ee ay ka gaareen Liverpool kahor fasaxii caalamiga.

Garnacho, oo xagaagii £40 milyan kaga soo wareegay Manchester United, ayaa sheegay in Chelsea ay nasiib darro ku heshay kaararka cas ee badan balse uu aaminsan yahay in kooxdu awood u leedahay inay u dagaallanto koobab.

“Waqti adag ayay u tahay Forest, laakiin kubadda cagta wax walba waa suurtagal,” ayuu Garnacho u sheegay telefishinka Chelsea.

“Inkastoo aysan badin ciyaaro dhowaanahan, haddana waa koox leh ciyaartoy fiican oo doonaya guul. Waa inaan diyaar ahaano.

“Waxaan ku jirnaa boos wanaagsan oo horyaalka ah [shan dhibcood ayaan ka dambeynaa Arsenal], gaar ahaan markii aan la kulannay nasiib xumo iyo kaarar casaan ah.”