Alan Pardew Oo Bannaanka Keenay Kooxda Kaliya Ee Arsenal Ka Hor Istaagi Karta Inay Ku Guuleysato Premier League Xilli Ciyaareed Kaan

0
198

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Halyeeyga iyo tababarihii hore ee Premier League, Alan Pardew, ayaa sheegay kooxda uu aaminsan yahay inay noqon karto caqabadda ugu weyn ee Arsenal ka hor istaagi karta hanashada horyaalka xilli ciyaareedkan.

Arsenal oo saddex xilli oo xiriir ah ku dhammaysatay kaalinta labaad, ayaa hadda afar dhibcood ku haysa hoggaanka horyaalka kaddib guushii 1-0 ee ay Axaddii ka gaareen Crystal Palace.

Waxa ay sidoo kale u ahayd usbuuc wanaagsan Gunners-ka, maadaama kooxaha ay dagaalka kula jiraan — Liverpool, Manchester City iyo Chelsea — dhammaantood laga adkaaday.

Liverpool ayaa guuldarro kale kala kulantay Brentford.

Manchester City ayaa mar kale ku fashilmatay Aston Villa.

Chelsea-na waxaa lama si filaan u garaacday Sunderland.

Si kastaba ha ahaatee, Pardew ayaan rumeysneyn in Man City laga reebay tartanka, isaga oo aaminsan in kooxda Pep Guardiola wali ay awood u leedahay inay si buuxda ugu soo laabato tartanka haddii taageero badan loo helo Erling Haaland, kaas oo hore u dhaliyay 24 gool xilli ciyaareedkan.

Isagoo ka hadlayay talkSPORT, Pardew wuxuu yiri:

“Guushii Aston Villa ka gaartay City waxay ahayd natiijo yaab leh.

Ma hubo haddii Man City ay dareemeyso daal ah ciyaartii Champions League ee dhexmartay Villarreal iyo iyaga, laakiin guuldarradaasi waxay ahayd dharbaaxo weyn.”

“Arsenal iyo Arteta waxay fiirinayeen natiijadaas iyagoo leh: ‘Wow, tani waa natiijo noo wanaagsan’.”

Si kastaba, wuxuu ku adkeystay:

“Weligeed waa in laga baqo Manchester City.

Waxay weli ku jirtaa tartanka, xitaa haddii ay guuldarreysteen.

Hal walwal keliya ayaa jira — waxay aad ugu tiirsan yihiin Haaland.

Xiddig kale waa inuu garab istaagaa.”