Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda KG ayaa gaarsiisay degmada Ceel-Berde 252 kartoon oo agab Waxbarasho ah, kuwaas oo isugu jira Buugaag iyo qalab kale oo waxbarasho, waxaana Garoonka diyaaradaha ee Degmada Ceel-Barde kula wareegay Isku-duwaha Waxbarashada Degmada
Deeqdan ayaa loogu talagalay in lagu caawiyo Dugsiyada Degmada Ceel-Barde, si Ardayda Dugsiyadaasi ay u helaan agab waxbarasho oo casri ah, waxaana loo arkaa mid muhiim u ah Horumarinta iyo tayeynta waxbarashada, iyadoo lagu taageerayo Ardayda iyo macallimiinta Degmada si loo dhiirrigeliyo Waxbarasho tayo leh.
Naxwo Axmed Kadiye. ayaa faah-faahineysa






