Agaasimaha PSG oo su’aal laga weydiiyay wada xaajoodka heshiis kordhinta ee Neymar iyo Mbappe & Jawaabtii uu bixiyay oo shaki badan gelisay mustaqbalka xiddigahaas

0
169

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Suuqa kala iibsiga ee xagaagan ayaa u muuqda midkii ugu dhaq-dhaqaaqyada weynaa sanadihii dambe maadaama xiddigo waaweyn ay wajahayaan hubanti la’aan la xiriirta mustaqbalkooda.

Waxaa xiddigahaas ugu horreeya labada weeraryahan ee Paris Saint-Germain ee kala ah Kylian Mbappe iyo Neymar Jr kuwaasoo si aad ah loola xiriirinayo inay xagaagan isaga tagaan caasimadda Faransiiska ee Paris.

Neymar ayaa in badan lala xiriirinayaa ku laabashada kooxda Barcelona, hase ahaatee, PSG ayaa ku jirta dadaallo badan oo ay xiddigan kaga dhaadhicinayaan inuu sii joogo kooxdooda iyagoo haatan kula jira wada xaajood ku aaddan in heshiiska loo cusbooneysiiyo.

Agaasimaha ciyaara ee naadiga reer France, Leonardo ayaa u muuqday mid ku kalsoon in labada laacib ee kooxdiisa ay qalinka ku duugi doonaan qandaraasyo cusub maadaama xagaaga dambe ay dhici doonaan heshiisyada ay haatan ku joogaan Parc des Princess, balse markii muuqbaahiya El Chiringuito uu wax ka weydiiyay wada xaajoodyada heshiis kordhineed, agaasimaha ayaa ka gaabsaday taasoo shaki gelisay kalsoonida uu ku qabo inay xiddigahaas saxiixi doonaan heshiisyo cusub.

“Waa inaan wax walba isu dajinaa” ayuu Leonardo ku yiri El Chiringuito isagoo ku sugan magaalada Barcelona si uu u daawado ciyaar gabdhaha PSG ay la ciyaarayeen dhiggooda Barca xilli naadiga martida loo ahaa ay u gudubtay fiinaalka tartanka horyaallada Yurub ee dhanka dumarka.

Leonardo ayaa iska diiday inuu jawaab qeexan ka bixiyo mustaqbalka Mbappe iyo Neymar, waxaana uu jawaabtiisa kusoo koobay inuu Spain u yimid daawashada hablaha kooxdiisa oo qura.

Si kastaba ha ahaatee, PSG ayaa wali diyaar la ah inay xiddigaheeda ku qanciso inay sii heysato, balse labada laacib ayaa ka caga jiidaya inay baaqi kusii ahaadaan kooxda difaacaneysa horyaalka Ligue 1 iyagoo xiiso badan ka helaya qaar ka mid ah kooxaha ugu waaweyn ee qaaradda Yurub.