Agaasimaha howlgallada Kooxda Manchester City oo xaqiijiyay inay weli tixgalinayaan u dhaqaaqista Lionel Messi

0
179

Laacibka lixda jeer ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or ayaa argagax ku riday dunida kubadda cagta markii uu ku dhawaaqay inuu doonayo inuu ka tago Barcelona suuqa kala iibsiga xiddigaha ee xagaaga, iyadoo Man City loo saadaalinayo inay tahay kooxda ugu cadcad helitaanka saxiixa Lionel Messi.

Xiddiga reer Argentine ayaa ugu dambayn sii joogay garoonka Camp Nou, iyadoo ay jirto khilaaf la xiriira lacagta heshiiskiisa lagu bur-burin karo, laakiin Berrada ayaa shaaca ka qaaday in kooxda Pep Guardiola ay wali ka fiirsanayso u dhaqaaqista Messi sanadka 2021-ka.

“Waa ciyaaryahanka ugu fiican Adduunka, waa ciyaaryahanka ugu fiican jiilkiisa, waxaan u maleynayaa in koox kasta oo adduunka ah ay jeclaan lahayd inay baarto suurto-galnimada uu ugu biiri karo kooxdooda,” ayuu Berrada ayaa u sheegay Majaladda Manchester Evening News.

“Way adag tahay in la qiyaaso waxa dhici kara, haddii aad dib ugu fikirto labadaas toddobaad ee wax walba ay ka dheceen Barcelona, waa wax aan macquul ahayn in la qiyaaso waxa dhici doona xagaaga soo socda.

“Messi waa jiil hibo leh, waa ciyaaryahanka ugu fiican adduunka, waana laga yaabaa marka laga reebo maalgashiyada suurtagalka ah ee aan ku sameyn karo inay tahay wax caadi ah, laakiin qorshaheenna waxaa lagu sameeyay kooxdan haatan jirta, waxaana la tixgelinayaa fursadaha haatan jira ee aan haysanno.

“Boos walba waa inaan u diyaar-garobaynaa, maxaa yeelay waxaa jiri kara waxyaabo badan oo dhici kara, laakiin isla waqtigaas waxaan u maleynayaa inaan leenahay awood dhaqaale iyo awood aan ku heli karno maalgashigaas [weeraryahan] markii loo baahdo.” ayuu hadalkiisa ku soo xiray Berrada.

Messi ayaa qandaraaska uu kula jira kooxda ka arrimisa garoonka Camp Nou waxa uu ku eg yahay ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka 2020-21, waxaana uu dhaliyey hal gool, isagoo sameeyey labo caawin saddex kulan oo uu ciyaaray horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

33-sano jirkaan ayaa shabaqa soo taabtay oo dhaliyey goolkii guusha ee xulkiisa qaranka Argentina uu guusha kaga qaatay Ecuador khamiistii, kaasoo ahaa rigoore, iyadoo kulankaasi uu qeyb ka ahaa kulammada isreeb-reebka Koobka Adduunka.