Abaaraha ka jira qeybo badan oo dalka ah oo saamayn ku yeeshay dhaqdhaqaaqa Sayladda Xoolaha ee Kismaayo.

0
163

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Iyada oo ay qayba kamid ah deegaanada Jubbaland ay ka jiraan abaaro baahsan oo saamayn ku yeelatay dadka iyo duunyada ayaa waxaa saamayn teeda laga dareemayaa suuqyada kala duwan ee Magaalada Kismaayo Meelaha sida xooga looga dareemayo ayaa waxaa kamid ah saylada xoolaha ee magaalada kismaayo taas oo ay kajirto xoola yari baahsan.

Xoola yarida kajirta saylada xoolaha ayaa waxaa loo sababaynayaa in ay keentay abaarta hadhaysay deegaanada Jubbaland Xoolihii la keenijray ay abaartu in tooda badan ku habsatay.

Sido kale sara u kac xoogan ayaa kajira suuqa oo neefka geela ah heerka koobaad waxaa lakala iibsanayaa 30,Milyan ilaa 20,Milyan oo Shilinka Soomaaliga ah heerka labaadna waxaa lakala siisanayaa 25,Milyan ilaa 20,Milyan oo Shilinka Soomaaliga ah Sido kale Ariga ayaa la kala siisanayaa $60ilaa $70 oo heerka koowaad ah.

Khadar Axmed Salaan.ayaa kawaramaya.