Abaar daran oo ka jirta degmada Maxaas

0
292

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wararka naga soo gaaraya degaanka Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in abaar daran ay hadda wajahayaan dadka iyo duunyada ku nool degaankaas iyo tuulooyinka dhowr ah oo hoos yimaada.

Guddoomiyaha Degmada Maxaas Mumin Maxamed Xalane oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay degaanadaasi abaaro aan la qiyaasi karin baaxadooda ay kajiraan.

Waxaa uu shegay Gudoomiye Mumin Maxamed in abaartaasi saameeysay Dadka iyo duunyada, sidoo kalana ay dadku degaano kala duwan u hayaameen, sababo la xiriira abaaraha baahsan ee degaanadaasi kajiro.

Gudoomiyaha oo sii Hadlayay ayaa sheegay in 42 tuulo oo hoos timaado degmada Maxaas ay si siman abaartu usaameysay oo biyo la’aan baahsan kajirto, sidoo kalana goobihii wax barashada ay xirmeen.

ugu danbeeyntii gudoomiyaha ayaa ka deeyriyay xaaladda degaanadaasi, isagoona shegay in dadka qaar ay wax u qabteen halka qaarna ay wali wax u qaban, waxaa uu shegay in ka maamul ahaan aysan canshuur ka qaadinqa dadka sida uu hadalka u dhigay, taa oo ka maamul ahaan awoododa aysan meel sare gaarsiisneeyn sifa uu shegay

Degmada maxaas iyo degaannada hoos yimaado waxaa mudo 2 sano ah ka jiraya abaaro baahsan taa oo galaafatay duunyada, halka ay dadku isaga soo hayaameen degaanadooda.